Marco Verratti oo loo taagay Jaalihii ugu yaabka badnaa 2017

(Paris) 22 Jan 2017. Xiddiga qadka dhexe ee naadiga PSG Marco Verratti ayaa loo taagay kaarkii jaalaha ee ugu yaabka badnaa sanadkan cusub kulankii ay kooxdiisu 2-0 uga adkaatay Nantes.
Da’yarka reer Talyaani ayaa mar uu ku dhawaa diilinta ganaaxa ee gooshiisa ayuu doonay inuu kubbada u baaso goolhaye Kevin Trapp si uu u qabsado, sida aad la socotana goolhayaha gacanta kuma qabsan karo kubbad uu lugta ugu soo baasay saaxiibkii.
Sidaa darteed Verratti ayaa inta uu jilbo jabsaday madaxa ugu baasay goolhayaha, hase yeeshee waxaa falkaas kaarka Jaalaha ku siiyay garsoore Johann Hannel maadaama uu ku kacay fal aan dhaqan nin Isboorti ahayn.
DAAWO:
il prend jaune , j’ai rien compris pic.twitter.com/qcjmRVsrxP
— Philippe (@philousports) 21 January 2017
Gool FM.