LA LIGA: Barcelona oo afar gool afka ka galisay kooxda Eibar oo ay booqatay, xilli MSN ay shabaqa soo wada taabteen kulankan… + SAWIRRO

(Eibar) 23 Jan 2017 – Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa guul wayn ka soo gaartay naadiag Eibar oo ay booqatay kulan ka tirsan horyaalka La Ligaha Spain, waxaana ay afka u soo galisay afar gool, iyadoo saddex ka mid ah goolashaas ay kala dhaliyeen wiilasha MSN la isku yiraahdo ee Messi, Suarez iyo Neymar.

Goolka hore waxaa u dhaliyey kooxda Barcelona 32’daqiiqo Denis Suarez, sidaas ayaana lagu kala nastay 1-0 ay kooxda Barcelona kulankan ku hoggaaminaysay.

Qeybtii labaad ee ciyaarta markii dib la isugu soo laabtay waxaa Barcelona saddexda gool ee kale u kala dhaliyey Messi, Suarez iyo Neymar, sidaas ayayna Barcelona ku soo gaartay guul wayn oo 4-0.

Laakiin Barcelona waxaa dhaawac uu ka soo gaaray kulankan oo garoonka laga dhex qaaday Sergio Busquets.

Barcelona oo leh 41-dhibcood ayaa ku jirta kaalinta saddexaad ee kala sarreynta horyaalka La Ligaha Spain.

SAWIRRO:

C2zc_CpWIAA6bId

C2ze9wmXgAE7DI0

C2zhkfSXgAIb8M-

C2zj2GqWQAEbcoT

C2zkXxgXAAAE03C

C2zNa2mWgAAyQ1G

C2zNJtBWIAMCwBi

C2zNJtIWIAAXAn9

C2zVfsjW8AIv8GA

C2zZ76eXcAALvR8

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close