AFCON 2017: Xulka Cameroon oo barbaro la galay Gabon, xilli xulka Burkina Faso uu guul ka gaartay Guinea-Bissau

bertrandtraore-cropped_r92gwe6yaql51qrfqfk3dlmeg

(Libreville) 23 Jan 2017 – Kulamo ka tirsan Qeybta A ee koobka qarammada Afrika ayaa la ciyaaray iyadoo kulanka qaranka Cameroon uu barbaro la galay xulka marti gelinaya koobka sanadkan ee Gabon.

Xulka Cameroon ayaa barbaro goolal la’aan 0-0 la galay xulka marti gelinaya koobka qaramada Afrika 2017 ee Cameroon.

Dhinaca kale xulka Burkina Faso ayaa 2-0 uga adkaatay dhiggiisa Guinea-Bissau kulan ka tirsan qeybta A ee koobka qaramada Afrika.

Labada gool ee uu ku badiyey xulka Burkina Faso ayaa goolka hore waxaa iska dhaliyey 12’daqiiqo Rudinilson Silva oo ka tirsan Guinea-Bissau, halka goolka kale uu dhaliyey 58’daqiiqo qeybtii labaad Bertrand Traore, kulanka ayaana ku soo dhammaaday 2-0 uu ku adkaatay xulka Burkina Faso.

Xulka marti gelinayey koobka qaramada Afrika 2017 ee Gabon ayaa tartanka sidaas uga haray, si la mid ah Guinea-Bissau oo iyaguna tartanka isaga haray.

Xulalka u soo baxay siddeed dhammaadka koobka qarammada Afrika iyo sida ay isugu aadeen dib ayaan idinkaga soo gudbin doonnaa inshaa Allaah.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close