Wayne Rooney oo noqday laacibka ugu goolasha badan taariikhda Manchester United

(Manchester) 21 Jan 2017 Weerar yahanka xulka ingiriiska iyo kooxda Manchester United ee Wayne Rooney ayaa noqday laacibka ugu goolasha badan taariikhda United.

Wayne Rooney ayaa 2-isbuuc ka hor soo barbareeyay rikoorkii gool dhalinta kooxda Manchester United oo uu haystay Sir Bobby Charlton.

Rooney ayaa caawa guul daro ka badbaadiyay kooxdiisa Manchester United kadib markii uu laad dadab ahaa uu daba mariyay goolhayaha kooxda Stoke City.

Goolkaas ayaana ahaa kii 250-aad ee Wayne Rooney uu u dhaliyo kooxdiisa tartamada oo dhan, wuxuuna sidaas ku noqday laacibka ugu goolasha badan taariikhda kooxda.

Rooney ayaa u ciyaaray Manchester United 546 kulan, wuxuuna u dhaliyay 250-gool, Bobby Charlton ayaa u ciyaaray United 758 kulan wuxuuna u dhaliyay 249-gool.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close