Muxuu ka yiri Mourinho in Rooney uu noqday laacibka ugu goolasha badan United?

(Manchester) 21 Jan 2017 Tababaraha kooxda Manchester United ee Jose Mourinho ayaa ka hadlay rikoorkii uu caawa dhigay kabtan Wayne Rooney.

Mourinho ayaa sheegay in haatan Rooney uu noqday laacibka ugu goolasha badan taariikhda kooxda ugu wayn ingiriiska.

Rooney ayaa caawa dhaliyay goolkiisii 250-aad ee taariikhda kooxda Manchester, wuxuuna kor u dhaafay ninkii haystay rikoorkaas ee Bobby Charlton.

“Rooney wuxuu noqday shaqsiga leh rikoorka gool dhalinta kooxda ugu wayn ingiriiska iyo mid kamid ah kooxaha ugu wayn aduunka” ayuu yiri Jose Mourinho.

“Ka hor Rooney waxaa haystay rikoorkan mid kamid ah halyeeyada ingiriiska, haatan Rooney wuxuu noqday mid kamid ah halyeeyada Manchester United”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close