EPL: Kooxaha Manchester City iyo Tottenham Hotspur oo barbaro ku galay garoonka Etihad… + SAWIRRO

(Manchester) 21 Jan 2017 – Kooxaha Manchester City iyo Tottenham Hotspur ayaa barbaro 2-2 ku galay garoonka Etihad kulan ka tirsan horyaalka Premier League.

Qeybtii hore ee kulankan ayaa lagu kala nastay barbaro goolal la’aan 0-0.

Laakiin markii dib la isugu soo laabtay qeybtii labaad ee ciyaarta Man City ayaa goolasha la horreysay oo la timid labo gool oo deg deg ah, waxaana goolka hore u dhaliyey 49’daqiiqo Leroy Sane, kaddib markii uu ka tagay goolhayaha Spurs waxaana uu kulanka ka dhigay 1-0 ay ku gacan sarreysay Sky Blue.

Man City oo mininkeeda joogtay ayaa kulanka hoggaanka u dheereysay waxaana 54’daqiiqo kubbad uu goolhayaha Tottenham si fiican u qabsan kari waayey dhammaystiray Kevin de Bruyne, Man City ayaa hoggaanka ciyaarta ku qabtay 2-0.

Tottenham labadaas gool ayaa hurdada ka toosiyey, waxaana goolka hore u keenay 58’daqiiqo Dele Alli oo madax ku dhammaystiray kubbad dadab laga soo qaaday, kulanka ayuuna ka dhigay 2-1 looga gacan sarreeyey kooxdiisa.

Spurs oo marti ahayd ayaana la timid goolka barbaraha 78’daqiiqo, waxaana kubbad uu soo dhiibay Eriksen oo uu cirib ku wareejiyey Harry Kane, si wacan u dhammaystiray Heung-Min Son, kulanka ayaana ku soo dhammaaday barbaro 2-2.

SAWIRRO:

C2t9Zf-XgAQdf0i

C2t9ZgBXcAMwg8d

C2t9ZgDWgAAOctR

C2t91q4XcAACBR3

C2ttLBgXUAEk33-

C2ttLBsXUAAuexg

C2tvmjcXEAACw3w

C2tyxCSXEAAnP4J

C2tzVXxWIAQfl2F

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close