AFRIKA: Xulka Ghana oo guul daro dhabarka u saariyay Mali

Ghana captain Asamoah Gyan

(Libreville) 21 Jan 2017 Xulka qaranka Ghana oo sanadkaan looga cabsi qabo hanashada koobka qaramada qaarada Afrika ee 2017 ayaa guul daro ku qasbay xulka Mali.

Ghana ayaa kulankii hore ka soo adkaatay xulka qaranka Uganda, caawa ayeeyna markale 1-0 uga adkaadeen xulka qaranka Mali.

Ciyaarta ayaa ku bilaabatay si xiiso badan, xulka qaranka Ghana ayaana qabtay hogaanka ciyaarta daqiiqadii 21 ee qaybtii hore, kadib gool uu u dhaliyay weerar yahankooda Asamoah Gyan.

Ghana ayaa kadib samaysay dhawr isku day oo ay goolal kale ku raadinayeen balse qaybtii hore ayaa ku soo idlaatay 1-0 oo xiddigaha madow ay hogaanka ku haayeen.

Qaybtii dambe labada xul ayaa sameeyay weerar iyo weerar celis, balse uma suurogalin xulka Mali inay soo barbareeyaan natiijada ciyaarta.

Ciyaarta ayaana waqtigii loogu talogalay ku soo idlaatay 1-0 oo ay guushu ku raacday xulka qaranka Ghana oo haatan 6-dhibic ku hogaaminaya Guruub D, waxayna u soo gudbeen wareega xiga.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close