Yuu u hadiyeeyay Neymar goolkii uu xalay ka dhaliyay Real Sociedad?

(Barcelona) 20 Jan 2017 Laacibka reer Brazil ee kooxda Barcelona ayaa xalay soo gabagabeeyay 10-sano oo kooxda Barcelona ay ku dhibanayd inay guul ku soo gaarto garoonka Real Sociedad.

Neymar ayaa ahaa dhaliyihii halkii gool ee xalay ay Barcelona uga soo adkaatay dhigeeda Real Sociedad, kulan ka tirsanaa koobka boqorka Spain.

24 jirkaan ayaa xiliciyaareed kaan ku dhibtoonaya inuu goolal badan u dhaliyo kooxdiisa Barcelona, goolkii xalay ayaana ahaa kiisii 8-aad ee uu Barca u dhaliyo tartamada oo dhan.

Neymar ayaa bartiisa Instagram-ka ku baahiyay inuu goolkiisa u hadiyeeyay hooyadiis “Nadine Santos” maadama ay u dabaal dagayso isbuucaan dhalashadeedii 50-aad.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close