“Waan u dagaalamaynaa 4-ta koob ee aan ka qayb galayno” – David De Gea

(Manchester) 20 Jan 2017 Goolhayaha kooxda Manchester United ee David De Gea ayaa ku dadaalaya sidii kooxdiisu ay ku hanan lahayd koobabka ay ka qayb galayso xiliciyaareed kan.

Manchester United ayaa xiliciyaareed kan taagan Semi Final-ka League Cup-ka, sidoo kale waxay ciyaaraysaa FA Cup, Premier League iyo Europa League.

David De Gea ayaana doonaya in kooxdiisu ay u dagaalanto ku guulaysiga dhamaan koobabka ay ka qaybgalayaan xiliciyaareed kan.

“Waxaan u tartamaynaa 4-koob, waxaan u baahanahay inaan u dagaalano wax walba, waan awoodnaa inaan ku guulaysano dhamaan koobabkaas, sidaas ayaanan doonaynaa” ayuu yiri David De Gea.

“Waxaan doonaynaa inaan siiwadno guulaha, waxaan ku jirnaa bilow fiican, waxaanan u baahanahay inaan sii ilaashano qaabkeena, waxaan isku dayi doonaa inaan guulaysano kulamo badan, kadibna aan aragno halka aan ku dhamaysanay horyaalka”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close