Vicente del Bosque oo difaacay tababare Zidane: Wuxuu qabanayaa shaqo wacan”

zidane

(Madrid) 20 Jan 2017 Tababarihii hore ee Real Madrid iyo xulka Spain ee Vicente del Bosque ayaa difaacay tababare Zidane oo eedeyn loo jeediyay kadib labadii guul daro ee soo gaartay isbuucaan.

Real Madrid ayaa wajahday isbuuc xasaasi ah kadib markii dhabarka loo saariyay laba guul daro oo xiriir ah xili kooxdu ay soo waday rikoor ah inaan laga adkaan 40-kulan oo xiriir ah.

Vicente del Bosque ayaa sheegay in Zidane uu shaqo fiican qabanayo, wuxuuna intaa ku daray in looga baahanyahay inuu ku qanco natiijooyinka kooxdiisa hadii ay ahaan lahayd guul iyo guul daro.

ديل بوسكي يدافع عن زيدان: إنه يقوم بعمل رائع

“Zidane shaqo fiican ayuu qabanayaa, wuxuuna ku tiirsanyahay koox fiican, waa inuu si caadi ah ugu qancaa natiijooyinka uu helayo, hadii ay ahaan lahayd guul iyo guul daro” ayuu yiri Vicente del Bosque.

“Waqtigaan la joogo Celta Vigo ayaa u dhaw u gudubka wareega 4-dhamaadka, laakiin wali labada kooxoodba waxay haystaan 90-daqiiqo”.

“Celta Vigo waa koox sifiican u ciyaaraysa laakiin Real Madrid waa koox wayn, wayna awoodaan inay dhinaca kale u rogaan natiijada”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close