Ivan Rakitic oo doonaya inuu heshiis cusub u saxiixo Barcelona

راكيتيتش: أريد تجديد عقدي مع برشلونة

(Barcelona) 20 Jan 2017 Laacibka reer Croatia ee Ivan Rakitic ayaa daaha ka qaaday inuu doonayo inuu heshiis cusub u saxiixo kooxdiisa kadib markii mugdi lagaliyay mustaqbalkiisa Barca.

Ivan Rakitic ayaa ku dhiban inuu boos joogto ah ka helo kooxdiisa Barcelona xiliciyaareed kan, wuxuuna muujiyay inuu danaynayo in si joogto ah loo ciyaarsiiyo.

28 jirkaan ayaa cadeeyay inuu xiriir wanaagsan la leeyahay tababarihiisa iyo dhamaan ciyaartoyda kooxda, wuxuuna yiri kadib guushii Real Sociedad:

“Waxaan rajaynayaa inaan halkaan sii joogo sanado badan, waxaan doonayaa inaan heshiiska u kordhiyo Barcelona, waan walwalayaa waayo waxaan doonayaa inaan si joogto ah u ciyaaro”.

“Kaloosni buuxda ayaan ku qabaa tababaraha, waxaa waajib igu ah inaan shaqeeyo, laakiin waan ku kalsoonahay go’aanka tababaraha, waxaan ku dadaali doonaa sidii aan ku ilaashan lahaa booskeyga gudaha garoonka”.

Mustaqbalka Ivan Rakitic ee kooxda Barcelona ayaa mugdi lagaliyay kadib markii uu tababare Luis Enrique ka saaray kooxdii wajahday Villarreal.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close