Cazorla oo isagoo dhaawac ku maqan heshiis cusub u saxiixay kooxda Arsenal

C2nQeB-WIAU-8Po

(London), 20 Jan  2017   –Iyadoo dhowaan kooxda Arsenal ay heshiisyadooda u cusbooneysiisay xiddigeheeda kal ah; Koscielny, Giroud, Coquelin iyo Mertesacker ayaa sidaas oo kale waxa ay haatanna qandaraaska u jadiidisay laacibka Khadka dhexe ee Spanish-ka ah Santi Cazorla.

Wargeyska L’equipe ee ka soo baxa Faransiiska ayaa shaaciyay in Cazorla oo dhaawac uga maqan Arsenal heshiiska loo dheereeyay oo uu kooxdiisa la sii joogi doono illaa June 2018.

Cazorla oo dhaawac ah ayaa xilli ciyaareedkan Arsenal u dheelay 8 kulan oo qura.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close