Wenger oo xaqiijiyay in heshiiska lookordhiyay Per Mertesacker

(London) 19 Jan 2017 Tababaraha kooxda Arsenal ee Arsene Wenger ayaa xaqiijiyay in kooxdiisu ay heshiiska u kordhisay kabtan Per Mertesacker.

Qandaraaska daafaca reer Jarmal ee kooxda Arsenal ayaa ku ekaa dhamaadka xiliciyaareed kan, kooxda ayaana fursad u haysatay inay ka saxiixan karto hal sano oo dheeri ah.

Wenger ayaa sheegay in kooxdu ay heshiiska u kordhisay kabtanka kooxda ee Per Mertesacker bilowgii xiliciyaareed kan, waxaana xusid mudan inuusan xitaa hal kulan garoonka u soo galin Arsenal xiliciyaareed kan.

Photo published for A contract extension has been signed at Arsenal

“Waxaa ku jiray heshiiskiisa qodob dhigaya in la kordhin karo, waana u kordhinay bilowgii xiliciyaareed kan, ma jirin wax wada hadalo ah, kaliya waxaan kordhinay heshiiska” ayuu yiri Wenger.

“Dib ayuu ugu soo laabtay tababarka kooxda, laakiin kama soo muuqan doono kooxda, waxaa uharay 2-isbuuc si uu dib ugu soo laabto kooxda”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close