“Waxaan u imid Sevilla si aan u garaaco Real Madrid” – Stevan Jovetic

يوفيتيتش: جئت لإشبيلية لأهزم الريال!

(Sevilla) 19 Jan 2017 Weerar yahanka amaahda ugu soo biiray kooxda Sevilla bishaan janaayo ee Stevan Jovetic ayaa cadeeyay sababtii uu u yimid horyaalka Spain.

Stevan Jovetic ayaa ahaa dhaliyihii goolkii ay Sevilla ku soo afjartay 40-kulan oo guul daro la’aan ay ahayd kooxda Real Madrid kadib markii uu quusiyay dhamaadkii ciyaarta, waxaana xusid mudan inuu gool kale uga soo dhaliyay koobka boqorka Spain.

Jovetic ayaa sheegay in markii loo soo bandhigay ku biirida Sevilla uu arkay in 15-maalin gudahood ay 3-jeer laciyaari doonaan Real Madrid, wuxuuna intaa ku daray inuu dadajiyay ku biirista Sevilla si ugu yaraan xitaa uu hal kulan uga hortago Real.

Ben Yedder Stevan Jovetic Sevilla Real Madrid La Liga 15012017

“Markii uu wakiilkeygu ii sheegay inaan aadayno Sevilla, waxaan u fariistay inaan dib u eego kulamada ku soo socda” ayuu u sheegay idaacada Cadena Ser.

“Waxaan arkay inay 3 kulan la ciyaari doonaan Real Madrid 15-maalin gudahood, taas ayaa iga dhigtay inaan daneeyo dadajinta heshiiska si ugu yaraan aan hal kulan uga qayb qaato”.

“In kabadan 10 jeer ayaan daawaday goolkii aan ka dhaliyay Real Madrid ilaa haatan”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close