Labada xiddig ee uu Martial hana qaadkiisii ku dayan jiray oo uu carrabaabay, waa kuwee?

Manchester United v Reading - The Emirates FA Cup Third Round

(Manchester) 19 Jan 2017. Weeraryahanka Manchester United Anthony Martial ayaa daaha ka rogay in uu ku dayan jiray Ronaldo – kii Brazil iyo Ronaldinho kolkii uu soo  hana qaadayey.

21 jirka taageero weyn ayuu u ahaa labada xiddig ee reer Brazil kuwaas oo ku wada guuleystay koobka aduunka 2002.

Ronaldo waxaa lagu tilmaamaa 9-kii dunida ugu wacnaa ee abid soo mara kubadda cagta isaga oo u soo wada dheelay Barcelona, Inter Milan iyo Real Madrid – sidoo kale waxa uu Brazil u qaaday laba koob aduun iyo laba Copa America.

International Friendly Match Brazil v New Zealand

Ronaldinho sidoo kale waxa uu ku guuleystay jaa’isooyin tiro la leh isaga oo soo matalay Paris Saint – Germain, Barcelona iyo AC Milan.

Martial waxa uu sheegay in uu ku dayan jiray.

Waxa uu yiri: “Ronaldo- kii Brazil iyo Ronaldinho.” Waa mar la weydiiyey kuwii uu ku dayan jiray hana qaadkiisii.

 

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close