Danilo oo shaki galiyay mustaqbalkiisa Real Madrid

دانيلو يُثير الشكوك حول مستقبله في مدريد

(Madrid) 19 Jan 2017 Daafaca reer Brazil ee kooxda Real Madrid Danilo ayaa shaki galiyay mustaqbalkiisa kooxda ka dhisan caasimada Spain sida ay baahisay AS.

Danilo ayaa waqti xun ku qaadanaya garoonka Bernabeu, taageerayaasha ayaa intabadan ku oriya, wuxuuna xalay sabab u ahaa mid kamid ah goolashii laga dhaliyay Real Madrid.

25 jirkaan ayaa xalay diiday inuu gacan qaado tababare Zidane kadib markii uu ciyaarta ka saaray daqiiqadii 80 ee qaybtii dambe.

Danilo ayaa fursad u haysta inuu boos ka helo kooxdiisa kadib markii la xaqiijiyay in Carvajal uu mudo dheer ka maqnaan doono garoomada.

Balse Marca ayaa sheegaysa in tababare Zidane uu Danilo ka doorbidayo Nacho Fernandez iyo Sergio Ramos oo labaduba buuxin kara booska Carvajal.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close