Carlos Tevez oo si diirran loogu soo dhoweeyey dalka Shiinaha… + SAWIRRO

(Shanghai), 19 Janaayo 2017 – Taageerayaasha kooxda Shanghai Shenhua ee waddanka Shiinaha ayaa maanta si wacan ugu soo dhoweeyey garoonka diyaaradaha calamiga ah ee Shanghai Pudong, saxiixooda cusub ee Carlos Tevez.

Weeraryahankii kooxda Boco Juniors ee Waddanka Argentina Carlos Tevez ayaa ku biiray kooxda Shanghai Shenhua ee waddanka Shiinaha bishii hore, kaasoo ay kula soo wareegtay 10 Milyan oo Dollar, maanta oo Khamiis ah ayuuna gaaray dalka Shiinaha.

Carlitos oo 32 jir ah ayaa heshiis 2 sanadood ah u saxiixay Shanghai oo mushaar ahaan sanadkii u siin doonta 40 Milyan oo Dollar (38 Milyan oo Euros), taasoo micneheedu yahay in 2 sanadood uu jeebka ku shuban doono 80 Milyan oo Dollar.

Waxaana Tevez uu iminka yahay laacibka ugu Mushaarka badan Caalamka Kubadda Cagta, isagoo ka sare maray Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi.

SAWIRRO:

tev3

tev

C2hiXNGWEAA296G

C2hiXaaWEAUNUjF

C2hiVZ7XUAEKQEo

C2hiUYAWIAEVINr

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close