“Ronaldo waa laacib wayn laakiin …..” – Messi oo ka hadlay Cristiano Ronaldo

ميسي: رونالدو لاعب عظيم، ولكن

(Barcelona) 18 Jan 2017 Laacibka kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa ka hadlay Cristiano Ronaldo oo ah laacib ay si wayn ugu tartamaan saaxada kubadda cagta.

Messi ayaa sheegay inuusan marnaba loolan ugu jirin sidii uu uga sara mari lahaa laacibka ay tartamaan ee Ronaldo oo sanadkii dhamaaday ku guulaystay intabadan abaal marinadii la bixiyay.

Xiddiga reer Argentina ayaa amaanay Ronaldo wuxuuna sheegay inuu yahay laacib wayn, laakiin wuxuu intaa ku daray inuusan isaga tartan kula jirin.

“Waxaa naga dhexeeya ixtiraam, waxaan u arkaa inuu yahay laacib wayn waayo wuxuu gaaray guulo waawayn” ayuu yiri Messi.

“Laakiin waxa kaliya ee i dhiirogalinaya waa inaan shaqo fiican ka qabtaa Barcelona iyo xulka Argentina si aan uga farxiyo taageerayaasha” ayuu sii raaciyay.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close