Man City oo xiddigo badan xaraasheysa

gu

(Manchester) 18 Jan 2017. Tababaraha careysan ee Man City Pep Guardiola ayaa qorsheynaya inuu xiddigo badan xaraasho xagaagan si uu kooxda dib ugu dhiso.

Kaddib guul daradii waynayd ee dhawaan ka soo gaartay Everton, Guardiola ayaa ka baqdi qaba inuusan heysan xiddigaha uu doonayo inay la qabsadaan falsafadiisa.

Jesus Navas

Ciyaartoyda sida Yaya Toure, Pablo Zabaleta, Bacary Sagna, Gael Clichy, Jesus Navas iyo goolhaye Willy Caballero ayaa dhammaan ka dhacaya qandaraaska ay ku joogaan Etihad Stadium laakiin looma soo bandhigi doono heshiis cusub.

Aleksandar Kolarov ayaa sidoo kale laga diri karaa kooxda iyo xitaa kabtanka Vincent Kompany haddii uu ku guul darreysto inuu ka soo kabsado dhibaatooyinka dhaawaca waqtiga dheer.

Man City ayaa sidoo kale lagu wadaa inay iska iibiso xiddigaha iminka heshiiska amaahda uga maqan kooxda ee Joe Hart, Samir Nasri, Wilfried Bony iyo Eliaquim Mangala.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close