Liverpool oo u gudubtay wareegga afaraad ee FA Cup, kaddib markii ay garaacday kooxda Plymouth Argyle… + SAWIRRO

(Plymouth) 19 Janaayo 2017 – Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa u soo baxday wareegga afaraad ee FA Cup, kaddib markii ay garaacday naadiga Plymouth Argyle kulankii ku celiska ahaa, maadaama lugtii hore ee ka dhacday Anfield lagu soo kala baxay 0-0.

Goolka madiga ah ee ay Liverpool ku martay kooxda Plymouth Argyle, waxaa u dhaliyey 19’daqiiqo Lucas Leiva, kaddib markii uu madax ku dhammaystiray kubbad uu gees laad ka soo qaaday Philippe Coutinho, kulanka ayaana lagu kala nastay 1-0 ay ku gacan sarreysay Reds.

Goolka uu dhaliyey Lucas Leiva ayaa ahaa kiisii ugu horreeyey oo uu dhaliyo tan iyo 16 bishii September sanadkii 2010-kii, waana muddo haatan laga joogo 2316.

Qeybtii labaad ee ciyaarta markii dib la isugu soo laabtay kooxda Plymouth Argyle ayaa weeraro dhowr ah sameysay oo xitaa mar biraha u garaacday Liverpool, laakiin waxa ay ku guuldarreysteen inay shabaqa gaaraan.

Liverpool waxaa soo martay fursad ay hoggaanka u ciyaarta ku sii dheereysan kareen kaddib markii gool ku laad loo dhigay, waxaana rigooradaas ka lumiyey Divock Origi, kulanka ayaana noqon lahaa 2-0, laakiin Reds ayaa ugu dambayn ku adkaatay 1-0.

Divock Origi ayaa hadda khasaariyey mid kasta oo ka mid ah shantii gool ku laad oo uu tuuray tartammada oo dhan, kaasina waxa uu ahaa kiisii ugu horreeyey oo uu u tuuro Liverpool.

Kooxda Liverpool ayaa sidaas ugu soo baxday wareegga afaraad ee FA Cup, waxaana ay garoonkeeda Anfield kula ciyaari doontaa kooxda Wolves.

SAWIRRO:

C2e9YnHWEAAksGz

C2evjotXUAEH_Ew

C2evlW0WEAE8u72

C2evlWIWIAA3HX3

C2evlWIXAAES_3t

C2fAs7VWQAIHaDv

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close