Barcelona oo dib ula soo saxiixatay Rivaldo

rivaldo

(Catalonia) 18 Jan 2017. Kooxda xafidaneysa horyaalka La Liga ee Barcelona ayaa dib  ula soo wareegtay rugcadaageeii hore ee Rivaldo.

Xiddiga reer Brazil ayaan ku biiri doonin shaxda kooxda tababare Luis Enrique, laakiin wuxuu qeyb ka noqonayaa mashruuca rugcadaayada Barcelona wuxuuna sii wadi doonaa inuu ciyaaro kulamada bandhiga ee kooxdiisii hore si uu ugu caawiyo in magaceeda kor loogu qaado adduunka.

http://e00-marca.uecdn.es/assets/multimedia/imagenes/2017/01/17/

Rivaldo ayaa usbuucan la kulmay madaxwaynaha kooxda Maria Bartomeu, madaxwayne ku xigeenka Jordi Mestre iyo waliba Silvio Elias iyo Pau Vilanova oo ka mid ah xubanaha sare ee naadiga si ay heshiis u gaaraan.

“Aad baan u faraxsanahay markasta aan joogo Camp Nou,” Rivaldo ayaa sidaa yiri.

“5-tii xilli ciyaareed aan halkan ku qaatay waxay ahaayeen kuwa taariikhi ah, waa koox had iyo jeer qalbiga iiga taal.”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close