Xiriirka kubbada cagta adduunka ee FIFA oo ka been abuuratay kabtanka xulka Soomaliya Xasan Cali Babaay…(DHAGEYSO WAREYSI)

(Muqdisho) 17 Jan 2017 –Kabtanka xulka qaranka Soomaaliya Xasan Cali Roble Babaay ayaa sheegay in  FIFA ay ka been abuurtay magaciisa, kaddib markii xiddigan lagu soo daray magaciisa lliiska kabtanadii codeeyay abaalmarinta xiddiga ugu fiican adduunka oo ay bixiso FIFA.

Babaay ayaa sheegay in uu si weyn ula yaabay markii uu arkay liiska codeynta wadamada ee FIFA kasoo baxay, waxa uuna sheegay in aan lala soo xiriirin sidaa darted uusan dhiibin wax cod ah.

“ Codkeyga waxaan siin lahaa Ronaldo waayo waa xiddig u qalmay abaal-marintaas, Messi iyo Iniesta  ayaan sidoo kale siin lahaa,  balse waxaan idiin xaqiijinayaa in aan aniga wax cod ah bixin ayuu  ku waramay kabtanka xulka.

“Damiir ahaan waan ka xumahay in magaceyga laga been abuuro anigu waxaan ahay shaqsi si weyn u daawado horyaalada umana codeyn  Buffon iyo Neuer, waayo waxaa jiray ciyaaryahano  bandhigyo muuqday sameeyay sida Ronaldo iyo xiddigo kale.

Xiddigaha lagu sheegay Xasan in uu codkiisa siiyay 

BABAAY

DHAGEYSO WAREYSIGA

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close