Xiriirka kubadda cagta Ingiriiska oo Bacary Sagna ku ganaaxay qoraal uu soo dhigay bartiisa Instagram-ka

bacary-sagna-manchester-city_u734meunhtlf14wa9i6jo0upf

(Manchester) 17 Janaayo 2017 – Xiriirka kubadda cagta Ingiriiska ee FA ayaa ganaax garka u galiyey xidigga garabka midig uga ciyaara kooxda Manchester City ee Bacary Sagna, kaddib qoraal uu soo dhigay bartiisa Instagram-ka.

Difaaca Man City ee Bacary Sagna ayaa lagu ganaaxay £40,000 (40 kun oo bound), kaddib ciyaartii kooxdiisu ay bishii hore la yeelatay naadiga Burnley ee Premier League oo ay Man City ku adkaatay 2-1.

Sanga ayaa loo ganaaxay qoraal yar oo uu soo dhigay bartiisa Instagram-ka oo uu ku leeyahay: “10 ka hortagtay ama la ciyaartay 12, laakiin wali waan dagaalamaynaa, waxaana u guuleysanaynaa sida koox isku tiirsan oo kale, Man City isku tiirsanaada.”

Inkastoo qoraalkaas uu mardambe ka bixiyey Instagram-ka haddana xiriirka kubadda cagta Ingiriiska ayaa ganaaxaas garka u galiyey Sagna, iyagoo qoraalkaas u farisay inuu Sagna ula jeeday markaas in garsoore Lee Mason oo kulankaas dhex-dhexaadinayey uu ku daray kooxdii kasoo horjeeday Man City.

Difaacan Faransiiska ah ayaa ka xanaaqsanaa kaarkii casaanka ahaa ee la siiyey laacibka khadka dhexe ee Man City Fernandinho kulankii ay ka adkaadeen Burnley, sidaas darteed ayuu u beegsaday bartiisa Instagram-ka.

Sagna waxa uu ka badbaaday in kulamo la ganaaxo iyadoo kooxdiisa Man City ay garoonkeeda Etihad Sabtida ku soo dhowayn doonto Tottenham kulan ka tirsan Premier League.

33-sano jirkaan Sagna ayaa 11 kulan oo Premier League u ciyaaray kooxdiisa Man City xilli ciyaareedkan ilaa iyo hadda, isagoo 28 kulan u saftay Man City tan iyo sanadkii la soo dhaafay.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close