Pogba oo suuqyada soo dhigay dharka shirkaddiisa cusub ee ‘PP’

C2VLR_1WQAAFA2R

(Paris), 17 Jan 2017  –Laacibka xulka Faransiiska iyo kooxda Manchester United Paul Pogba ayaa bishii Maarso 2016 waxa uu heshiis waqti dheer ah la galay shirkadda qalabka Isboortiga ee ‘Adidas’ ee laga leeyahay Jarmalka, waxaana haatan isagoo garab ka helaya shirkaddani caanka ah uu soo bandhigay dharka shirkaddiisa cusub.

Labiskan cusub ee shirkadda Paul Pogba ‘PP’ ayaa waxay isugu jiraan Jaakad, Surweel, Funaanado, Kobaha isboortiga (ACE 17+ Purecontrol Firm Ground Boots), Koofiyad iyo Boorso dhabarka, waxaana si toos ah looga iibsanayaa online looga iibsanayaa bogga Adidas.

Qalabkan ayaa midabkoodu yahay Madoow 100% oo leh diilimo Dahabi ah ayaa waxaa ka heli karaa dhammaan dukaammada shirkadda Adidas, iyadoo dadka reer Faransiiskuna ay ka iibsan karaan Galeries Lafayette, Dukaanka Lambar 42 ee magaallada Paris.

Qiimaha ugu sarreeya ee dharkan iyo Kobahan waa 330 iyadoo Kobaha ACE 17+ Purecontrol Firm Ground Boots aad ku iibsan karto 229.95 Euro.

Le joueur français Paul Pogba a rejoint l’équipe...

La collection capsule Paul Pogba X Adidas Football.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close