Napoli oo ku dhawaaqday in xidiggeedii hore ee Diego Maradona u magacaabi doonto Safiirkeeda laakiin waa marka uu…

9f725

(Napoli), 17 Jan  2017   –Milkiilaha kooxda Kubadda Cagta Napoli ee waddanka Talyaaniga Aurelio de Laurentiis ayaa shaaciyay in naadigiisu Safiir cusub u magacaabi doono xidiggii hore ee Napoli Diego Maradona, laakiin waa marka uu xalliyo dacwadda ku furan ee dhinaca Canshuuraha Talyaaniga.

“Aniga ahaantayda, Maradona waa xiddig, isla markii uu iska xalliyo dhibaatada xagga canshuuraha ka heysata waxa uu noqon doona Safiirkeenna” sidaa waxaa saxaafadda u sheegay Madaxweynaha naadiga Napoli de Laurentiis.

Maradona ayaa haatan ku sugan Magaallada Napoli isagoo habeenkii xalay ahaa daaqadda dhismaha uu deggan yahay ka salaamay shacabka magaalladii uu ka dheeli jiray ee Naples.

Diyeeshihii hore ee Napoli, Diego Maradona xilligiisii waxa ay Napoli ku guuleysatay laba Horyaalka Talyaaniga ah 1987 iyo 1990.

Sanadkii 2005 ayaa waxaa Garsoorka Talyaaniga uu Maradona ku soo eedeeyay inuusan si joogto ah canshuur u bixin jirin waqtigii uu ciyaaraha ku jiray isla markaana ay tahay inuu bixiyo 37.2 Milyan oo Euro, laakiin mar dambe ayaa sanadkii 2012 waxaa Maxkamadda Talyaanigu ay ku laabatay dacwaddii Maradona oo ay sheegtay in xoogaa qaladaad ah ka soo bexeen isla markaana la sixi doono.

Maradona ayaa isna dhiniciisa isku difaacaya in aysan ahayn markii ugu horreysay ee lacag lagu sheegto iyadoo horey  40 Milyan oo Euros loogu sheegay in uu iska bixiyo, waxaana dacwaddahani dhan uu Maradona ku tilmaamay kuwo aan waxba ka jirin.

Gool FM

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close