Manchester United oo heshiiska u kordhisay Antonio Valencia

C2YOpgjWgAIwmVK

(Manchester), 17 Jan  2017  –Kooxda kubadda cagta Manchester United ee Waddanka Ingiriiska ayaa xaqiijisay in ay heshiiska u kordhisay Daafeceeda garabka Midig Antonio Valencia,  kaas oo sanad kale la sii joogi doona naadiga.

Valencia oo 31 jir ah ayaa kal hore heshiis 3 sanadood ah u saxiixay Man United sanadkii 2014, iyadoo shuruudahana ay ku jirtay in sanad kale oo dheeraad ah loogu dari karo qandaraaskiisa, waxaana haatan United ay ka dhabeysay heshiiskaasi, isagoo kooxda MU la sii joogi doona illaa sanadka 2018.

Antonio waxa uu Manchester ku soo biiray sanadkii 2009 isagoo ka yimid xaggaa iyo Wigan, waxaana wixii xilligaasi ka dambeeyay uu Manchester u ciyaaray 271 kulan, isagoo dhaliyay 21 gool kuna guuleystay 6 Koob.

Xilli ciyaareedkii 2011-2012 waxa uu Xidigga Ecuador, Valencia ku guuleystay xidigga sanadka ee Manchester United,  isagoo boos joogto ah ka helay safka hore ee tababare Jose Mourinho taas oo u saamaxday in uu 18 kulan ciyaareed safto horyaalka haatan socda.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close