Claudio Ranieri oo shaaciyay kooxda uu la jecelyahay hanashada Premier League

Image result for Claudio Ranieri and Conte

(Leicester) 17 Jan 2017 Tababaraha kooxda Leicester City ee Claudio Ranieri ayaa daaha ka qaaday kooxda uu la jecelyahay hanashada horyaalka ingiriiska ee xiliciyaareed kan.

Claudio Ranieri ayaa u saadaaliyay hanashada horyaalka ingiriiska kooxdiisii hore ee Chelsea oo haatan 7-dhibic ku haysa hogaanka horyaalka.

65 jirkaan ayaa xiliciyaareedkii hore u qaaday kooxdiisa horyaalka ingiriiska markii ugu horaysay taariikhda laakiin wuxuu saadaaliyay in sanadkaan uu yahay kii Blues.

Image result for Claudio Ranieri and Conte

“Maadama aan ahay tababarihii hore ee Chelsea iyo taageere talyaani ah, rajadaydu waa in Conte uu ku guulaysto ujeedkiisa” ayuu yiri Claudio Ranieri.

“Conte wuxuu soo muujiyay in iskuulka tababarka ee talyaanigu uu yahay mid wali shaqaynaya, inkabadan waqtigii hore”.

Kooxda tababare Claudio Ranieri ayaa xiliciyaareed kaan u dagaalamaysa inay ka sii ciyaarto horyaalka ingiriiska.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close