AFCON 2017: Xulka Ghana oo garaacay Uganda, hoggaankana u qabtay Guruub D

AFOCN

(Libreville) 17 Janaayo 2017 – Xulkii kaalinta labaad ka galay tartankii hore ee koobka qarammada Afrika ee Ghana ayaa guul ku furtay koobka sanadkan 2017, waxaana 1-0 ay ku mareen dhiggooda Uganda kulan ka tirsan Qeybta (D) ee Koobka Qaramada Afrika 2017.

Ayew ayaa goolka ay ku adkaadeen Ghana u dhaliyey qeybtii hore ee ciyaarta, kaddib markii uu 32’daqiiqo gool u bedelay rigoore lagu galay Gyan, xulka Black Stars oo qeybta hore 1-0 ku hoggaaminayey Uganda ayaana la kala nastay.

Qeybtii labaad ee ciyaarta markii dib la isugu soo laabtay ayey labada xul ku guuldarreysteen inay goolal iska dhaliyaan kulanka ayaana ku soo dhammaaday 1-0 lagu dubtay xulka Uganda.

Xulka Ghana ayaa hoggaanka u qabtay guruubka D oo ugu dambeeya kulamada lugta hore ee wareegga guruubyada, maadaama labada xul ee guruubkan kula jira ee Mali iyo Egypt ay ciyaarayaan caawa 10:00 habeenimo.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close