TORINO VS AC MILAN: Shaxda & safafka ay caawa kusoo geli karaan!

(Torino) 16 Jan 2017 – Waxaa caawa markale ciyaaraya kooxaha Torino vs AC Milan oo Khamiistii ciyaaray Coppa Italia markaasoo ay 2-1 ku adkaatay AC Milan, sidaa darteed waxay Torino raadinaysaa aarsi.

La Gazzetta dello Sport ayaa qoray shaxda laga yaabo ee labada kooxood oo sidii la ogaaba isku nooc ah taasoo ah 4-3-3.

Dhanka Milan: Macallinka Rossoneri ee Vincenzo Montella ayaa waxaa safkiisa ka maqan De Sciglio iyo Antonelli, taasoo ka dhigan inuu ku khasban yahay inuu safo muluqa isna dhaawaca kasoo laabtay ee David Calabria, waxaa sidoo kale soo kabtay Alessio Romagnoli, iyadoo Mario Pasalic uu faska ka leeyahay Kucka oo Khamiistii safnaa, Giacomo Bonaventura ayaa weerarka kula jira Suso iyo Bacca, taasoo la micne ah in Niang uu markale kaydka kululayn doono.

Dhanka Torino: Macallinka Sinisa Mihajlovic oo sheegay inay Milan 2 jeer garaacday fasalkan ayaa laacibiintiisa ka sugaya jawaab uu ku qanco, wuxuu safka hore kusoo billaabi doonaa Zappacosta, Obi iyo Iago Falqué, oo weerarka kula jira qannaaska Belotti iyo Ljajic.

SHAXDA LAGA YAABO

TORINO (4-3-3): Hart; Zappacosta, Rossettini, Moretti, Barreca; Benassi, Valdifiori, Baselli; Iago Falque, Belotti, Ljajic.

Macallin: Mihajlovic.

MILAN (4-3-3): Donnarumma; Abate, Paletta, Romagnoli, Calabria; Pasalic, Locatelli, Bertolacci; Suso, Bacca, Bonaventura.

Macallin: Montella.

Torino-vs-AC-Milan-Preview-and-Prediction-Italian-Serie-A-16th-January-2017

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close