Klopp oo u sheegay FIFA inay dadajiyaan go’aanka Joel Matip

(Liverpool) 16 Jan 2017 Tababaraha kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa ku wargaliyay xiriirka kubadda cagta aduunka ee FIFA inay dadajiyaan go’aanka Joel Matip.

Xulka qaranka Cameroon iyo kooxda Liverpool ayaa isku haysta arinka Joel Matip kaas oo ku andacoonaya inuu mar hore ka fariistay ciyaaraha caalamiga ah.

Klopp ayaa caro ka muujiyay go’aankii soo daahay ee FIFA kaas oo xalay dhaafiyay Joel Matip kulankii muhiimka ahaa ee Man United.

“Intii ogaalkeena ah, Joel Matip waa uu ka fariistay ciyaaraha caalamiga ah, anaguna wax walba ayaan samaynay si aan u cadayno arinkaas” ayuu yiri Klopp.

“Ilaa haatan ma aanaan helin jawaab, waxaan u baahanahay in 100% naloo xaqiijiyo inuu noo ciyaari karo, hadii aan runta ka hadlo arinkaan waa mid adag oo niyad jab leh”.

“Joel Matip 5-maalin ayuu tababar nala qaatay, wuxuu jeclaa inuu ka mid ahaado ciyaartoyda ka hortagaya Man United, sidaas darteed taasi cadaalad ma ahan”.

“Waxaan u baahanahay jawaab dag dag ah, kulan ayaan ciyaari doonaa arbacada, suurogal ma ahan in waqti dheer aan sugno jawaab”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close