RIKOODHADII laga diiwaan barbarihii kooxaha Man United iyo Liverpool ee Premier League

C2Ot7b7XUAA_zDV

(Manchester) 15 Janaayo 2017 – Kooxaha Man United iyo Liverpool ayaa barbaro 1-1 ku galay garoonka Old Trafford kulan ka tirsan horyaalka Premier League.

Liverpool ayaa goolka la horreysay waxaana rigoore u dhaliyey qeybtii hore James Milner, laakiin Zlatan Ibrahimovic ayaa goolka barbaraha u dhaliyey Man United goordambe.

Waa kulankii labaad ee Premier League oo Man United iyo Liverpool ay barbaro galaan Premier League xilli ciyaareedkan.

Haddaba halkaan hoose ka eeg RIKOODHADII laga diiwaan galiyey kulankan:-

>- James Milner ayaysan kooxdiisu marnaba guuldarro soo gaaray kulan Premier League, isagoo gool u dhaliyey 46 kulan, marka uu gool dhaliyo waxa ay kooxdiisu guuleysatay 37 kulan, waxaana ay barbaro gashay 9 kulan, isagoo rikoodhkaas kula biiray Darius Vassell.

>- Zlatan Ibrahimovic wuxuu dhaliyay 14 gool 20-kiisii kulan ee EPL ee ugu horreeyay, taas oo la mid ah goolashii ay dhaliyeen Alan Shearer iyo Sergio Aguero markii xilligaas oo kale ay taagnaayeen.

>- Waa markii ugu horreysay oo Man United iyo Liverpool ay labada kulan ee horyaalka ay ku kulmeen xilli ciyaareedka ay labaduba barbaro ku dhammaadaan tan iyo xilli ciyaareedkii 1987/88.

>- James Milner ayaa dhaliyey mid kasta oo ka mid ah 10-kii gool ku laad ama rigoore ee uu tuuray horyaalka Premier League.

>- Kani waxa uu ahaa kulankii 50-aad ee Premier League ku dhexmara kooxaha Manchester United iyo Liverpool, Man United ayaa badisay 27 kulan, waxa ay barbaro galeen 10 kulan, waxaana laga badiyey 13 kulan.

>- Wayne Rooney waa ciyaaryahankii 17-aad ee 450 kulan safta horyaalka Premier League.

>- Kooxda Manchester United ayaa hal kulan kaliya guuldarro la kulantay 29-kii kulan ee ugu dambeeyey oo ay ku ciyaartay garoonka Old Trafford tartammada oo dhan, waxa ay mudadaas barbaro galeen 8 kulan, waxaana ay dhaliyey 59 gool.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close