Jose Mourinho oo doonaya inuu dib ula midoobo Matic

matic

(Manchester) 15 Jan 2017. Jose Mourinho ayaa qorsheynaya inuu bishan Janaayo la soo wareego xiddigiisii hore ee Nemanja Matic sida ay warineyso Daily Mirror.

Macallinka reer Portugal ayaa xiddiga reer Serbia dib ugu soo celiyay Premier League 2014 kolkaa uu ka arriminayay Chelsea, kooxda reer London ayaa saddex sano ka hor Matic ka iibisay Benfica.

RUMOURS: Mourinho eyeing Matic reunion

Matic ayaa si wayn uga muuqday qadka dhexe ee Premier League tan iyo sidii uu dib ugu soo laabtay, Jose ayaana doonaya inuu u soo kaxeysto Old Trafford.

Mourinho ayaa heysta maal uu ku qarash gareeyo Matic kaddib lacagihii uu dhawaan Morgan Schneiderlin uga iibiyay naadiga Everton.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close