”Serie A waa iga yaabiyay mana moodi jirin sidan” – Antonio Rüdiger

(Roma) 14 Jan 2017 – Daafaca AS Roma ee Antonio Rudiger ayaa qirtay “inuusan markii hore u malaynaynin in Serie A-du tahay wax sidaa u wayn” kahor intii aanu kusoo biirin.

Laacibkan caalamiga ah ee reer German ayaa Giallorossi ugasoo biiray Stuttgart xagaagii 2015, wuxuuna haatan sheegayaa inuu aad ula yaabay adeeygga ciyaaraha Talyaaniga ee heerka 1-aad.

“Daacaddii, markii aan ka dheelayay Germany, Serie A uma haysanin wax sidaa u wayn,” ayuu qirtay Rudiger oo su’aalo uga jawaabayay Facebook.

“Markii aan bilaabay inaan dheelo kulamadii iigu horreeyay waxaan garaystay sida aysan naadiyadu u sahlanayn, naadiyadu way ka diyaarsan yihiin taatiko ahaan Horyaalka Jarmanka oo ah horyaal lagu tiirsan yahay inta badan awoodda jireed.” ayuu raaciyay.

????????????????????????????????????
????????????????????????????????????

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close