Lega Serie A oo kulan caalami ah u adeegsan doonta hannaanka Muuqaalka Kaalinta Garsooraha ee VAR (Kulankee?)

(Roma) 13 Jan 2017 – Waxaa 18-ka bishan gegada Stadio Friuli ee magaalada Udine ku wada dheelaya xulalka 19-jirrada ee Talyaaniga iyo dhiggooda Spain.

Ciyaartan ayaase noqon doonta mid taariikhi ah oo loo adeegsan doono hannaanka loo yaqaanno Muuqaalka Kaalinta Garsooraha ee VAR (Video Assistant Referees), taasoo ay markii horreeysay maamulayso Lega Serie A oo fasax ka haysta IFAB / FIFA waloow ay ciyaarta qabanayaan garsoorayaal UEFA ah.

VAR ayaa garsoorayaasha ka caawinaya go’aaminta dhinac-baxyada (offside), is riixa iyo khaladaadka diilinta ganaaxa ka dhaca kahor inta aanu gool dhalan iyo xitaa is afgaarka iyo dhaqamada isboortiga ka baxsan ee garoomada ka dhaca.

Ciyaartii ugu horreeysey ee loo adeegsado tiknolojiyaddan ayaa ahayd ciyaar sxbtinimo oo magaalada Bari ee koonfurta Talyaaniga ku dhex martay dalalka Talyaaniga iyo Faransiiska 1-dii Sebtember 2016.

b

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close