‘Dadka xigmadda leh wey garanayaan in Ronaldo uusan ka fiicneyn Rooney,” – Xiddig labadaba garoon la soo galay oo cadeeyey in Wazza uu u tanaasulay kooxda

4294212_herol

(Manchester) 13 Jan 2016. Kabtanka Manchester United Weyne Rooney waxa uu meel walba uga dhigmay Cristiano Ronaldo kahor inta uusan u tanaasulin kooxda, sidaas waxaa qaba koox wadaagiisii hore Darren Fletcher.

Rooney waxa uu bar bareeyey rikoorkii gool dhalinta ee Sir Bobby Charlton kaddib markii uu mid ka dhaliyey Reading kulankii FA Cup-ka bilowgii Janaayo, Fletcher, kaas oo 10 sano in ka badan kula qaatay United ayaa dareensan in kabtanka kooxda mudan yahay doorkiisa in la qiro.

rooneyronaldofletcher-cropped_1lr9ss86pvsfv1oesusvvttgl8

Kabtanka West Brom waxa uu ku dooday in Rooney u wanaagsaa sida Cristiano Ronaldo.

“Qof walba in la aqoonsado (Doorkiisa la qiro) ayuu rabaa. Mar walba waxaad ku fakareysaa in wax badan aad hesho,” ayuu Fletcher u sheegay Daily Mail.

“Laakiin waxa uu jabiyey sooyaallo, waxa uu kabtan u noqday United iyo England, wax walba wuu ku guuleystay, kuwa ugu wanaagsan ayuu la mid yahay, waxa uu meel walba saameyn ugu lahaa sida Ronaldo maalintiisa.

“Labaad sanka ay sanka isu saareen, laakiin, intaa kaddib, in aad ogolaato in Ronaldo hore aado, Weyne gadaal ayuu u soo dhacay waxa uuna ahaa ciyaaryahan kooxeed (Team Player)taasina waxa ay ahayd waxa ay doonayeen.

“Dadka xigmadda wanaagsan ee kubadda cagta ah leh taasi wey garan karaan. Kuwa kale-se may”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close