Conte oo loo doortay tababbarihii bisha ee Premier League (Waxa uu sooyaal u dhigay EPL-ka)

conte-1

(Loondon)13 Jan 2016. Tababbaraha Chelsea Antonio Conte waxaa loo magacaabay macalliinkii bishii December ee Premier League-ga.

Talyaaniga waxa uu sidaas ku noqday tababbarihii ugu horreeyey ee saddex bilood oo xiriir ah ku guuleystay abaalmarintaas.

Chelsea wey badisay dhammaan lixdii kulan ee ay dheeshay December iyada oo sii wadatay rikoorkii dhulka lama-idhigaanka ahaa ee ku jabay Whote Hart Lane bishan Janaayo.

Conte si la yaab leh ayuu ku bilaabay waayihiisa England, waxa uu badiyey 16 kulan 20kii ugu horreeyey ee uu horyaalka dheelay.

Hada, jaa’isadan waxa ay ka dhigan tahay in uu noqday tababbarihii ugu horreeyey ee sooyaalka England saddex jeer oo is xiga hela.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close