Schneiderlin oo u mahadceliyay taageerayaasha Manchester United

(Manchester) 12 Jan 2017 Laacibkii dhawaantaan ku biiray kooxda Everton ee Morgan Schneiderlin ayaa u mahadceliyay taageerayaasha kooxdiisii hore.
Morgan Schneiderlin ayaa ku fashilmay inuu sifiican uga soo muuqdo garoonka Old Trafford tan iyo markii uu soo caga dhigtay xaggaagii 2015.
27 jirka reer France ayaa u mahadceliyay taageerayaasha kooxdiisii hore wuxuuna u rajeeyay dhamaantood mustaqbal wanaagsan.
Thanks to all the fans for your support I wish you all the best for the future ! pic.twitter.com/Insa1xAp1s
— Morgan Schneiderlin (@SchneiderlinMo4) January 12, 2017
“Dhamaan taageerayaasha waad ku mahadsantihiin taageeradii aad ii muujiseen, waxaan idiin rajaynayaa dhamaantiin mustaqbal wanaagsan”ayuu ku soo qoray Boggiisa Twitter-ka.
Morgan Schneiderlin ayaa la filayaa inuu ka soo muuqdo kulanka Everton ay soo dhawayn doonto axada kooxda Manchester City
Gool FM