Real Madrid oo u soo baxday siddeed dhammaadka Copa del Rey, inkastoo ay barbaro la soo gashay kooxda Sevilla… + SAWIRRO

(Sevilla) 13 Janaayo 2017 – Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa u soo baxday siddeed dhammaadka Copa Del Rey, kaddib markii ay lugtii labaad barbaro 3-3 la soo gashay Sevilla oo ay booqatay.

Gool uu iska dhaliyey 10’daqiiqo bilowgii ciyaarta Danilo ayaa lagu kala nastay qeybta hore Sevilla oo 1-0 ku hoggaaminaysa.

Markii dib la isugu soo laabtay qeybtii labaad Real Madrid waxaa goolkaas u barbareeyey 48’daqiiqo Marco Asensio, laakiin Stevan Jovetic ayaa markale u saaray Real Madrid kaasoo kulanka ka dhigay 2-1 lagu hoggaamiyey wiilasha Zidane.

Sevilla ayaa hoggaanka ciyaarta sii dheereysatay waxaana 77’daqiiqo kulanka dhigay 3-1 Vicente Iborra, Real Madrid ayaana markaas waxaa gool ku laad u dhaliyey kabtan 83’daqiiqo Sergio Ramos, kulanka ayaana sidaas ku noqday 3-2 wali lagu hoggaaminayey Real Madrid.

Kooxda Real Madrid waxaa guuldarro ka soo gaari lahayd Sevilla ka badbaadiyey dhammaadkii ciyaarta Karim Benzema, kaasoo sabab u noqday inuu kulanku ku soo dhammaado gar isku mid ah 3-3.

Lugtii hore ee labadan kooxood ku dhexmartay caasimadda Spain ayaa ku soo dhammaatay 3-0 lagu soo dubtay Sevilla, sidaas ayeyna kooxda Real Madrid isku cel celis goolal gaaraya 6-3 ku gaartay siddeed dhammaadka Copa Del Rey.

SAWIRRO:

145

1455

1484253865316_lc_galleryImage_epa05713640_Real_Madrid_s

1484254161688_lc_galleryImage_epa05713660_Real_Madrid_s

1484255021102_lc_galleryImage_Sevilla_s_Vicente_Iborra_

C2AMeLYWEAI5UQ7

C2AOI7dWIAAUi4O

C2AOJxvXUAAas0V

C2AOLlBWEAUo5N4

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close