RASMI: Morgan Schneiderlin oo ku biiray Everton

(Liverpool) 12 Jan 2017 Kooxda Everton ayaa si rasmi ah u shaacisay saxiixa laacibkii qadka dhexe ee kooxda Manchester United Morgan Schneiderlin.

Everton ayaa kula soo wareegtay 27 jirka reer France lacag u dhexeysa 20 ilaa 24 milyan oo Ginni, wuxuuna u xiran doonaa lambarka “2”.

Morgan Schneiderlin ayaa qalinka ugu duugay kooxdiisa cusub heshiis 4 sano iyo bar ah, wuxuuna dib ula midoobay tababarihiisii hore ee Ronald Koeman.

“Waan ku faraxsanahay inaan ku biiro Everton, wax walba oo karaankeyga ah ayaan u hurayaa kooxdaan” ayuu yiri Morgan Schneiderlin.

Laacibka reer France ayaa ku dhibtooday inuu boos ka helo shaxda tababare Mourinho xiliciyaareed kan, wuxuuna doorbiday inuu ku biiro Everton.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close