Diraasad cusub oo lagu soo saaray 20-ka koox ay shaxdooda ugu qaalisan tahay Yurub….(Man United oo makaan fiican ku jirta)

madrid

(Europe) 12 Jan 2017. Diraasad cusub ay sameysay UEFA ayaa lagu soo saaray 20-ka koox ee shaxda ugu qaalisan ku leh Yurub.

Man United ayaa kaalinta labaad ku jirta kaddib saxiixyadii dhawaa ay kula soo wareegtay Paul Pogba iyo Henrikh Mkhitaryan waxaa ka horreeya oo kaliya Real Madrid oo kaalinta koowaad u xiran tahay.

Shaxda Man United ayaa ku kaceysa qarash dhan 613-milyan oo euro oo waxay 100-milyan ka yar tahay shaxda Real Madrid oo ku kaceysa 721-milyan oo euro.

Chelsea ayaa saddexaad ku jirta halka Man City ay afaraad fadhiso, kooxda reer France ee PSG ayaa 5-aad ku jirta, Arsenal iyo Liverpool ayaa 6-aad iyo 7-aad kala xirtay.

Halka muruq waynta Spain ee Barcelona ay ku jirto 8-aad, Bayern Munich iyo Juventus ayaa dhammeystiraya liiska 10-ka sare.

Haddaba eeg 20-ka koox ay shaxdooda ugu qaalinsan tahay Yurub:

UEFA’s most expensive squads:

20. Wolfsburg, €152m

19. Sunderland, €164m

18. Borussia Dortmund, €168m

17. Zenit St Petersburg, €175m

16. Southampton, €176m

15. Roma, €190m

14. Napoli, €202m

13. AC Milan, €248m

12. Inter Milan, €268m

11. Tottenham, €273m

10. Juventus, €312m

9. Bayern Munich, €322m

8. Barcelona, €401m

7. Liverpool, €412m

6. Arsenal, €428m

5. Paris Saint-Germain, €437m

4. Manchester City, €535m

3. Chelsea, €537m

2. Manchester United, €613m

1. Real Madrid, €721m

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close