Southampton oo guuldarro dusha u soo saartay Liverpool, xilli Reds ay haysato inay is badbaadiso lugta labaad ee ka dhacaysa Anfield… + SAWIRRO

(Southampton) 12 Janaayo 2017 – Kooxda kubadda cagta Southampton ayaa guuldarro xanuun badan dusha u soo saartay Liverpool oo u martisay lugta hore ee afar dhammaadka League Cup.
Liverpool ayaa goolka looga naxsaday 20’daqiiqo qeybtii hore, Nathan Redmond ayaana ka dhaliyey markii uu si wacan u dhammaystiray kubbad baas ahayd oo la siiyey isagoo ku jira xerda ganaaxa, kulanka ayaana lagu kala nastay 1-0 lagu hoggaaminayey Reds.
Qeybtii labaad ee ciyaarta markii dib la isugu soo laabtay inkastoo fursado badan ay iska lumisay Southampton oo weerar xoog leh ku qaaday goosha Liverpool, haddana kulanka ayaa waqtigii loogu talo galay ku soo dhammaaday 1-0 lagu dubtay Liverpool.
Kooxda tababare Klopp ayaa haysata fursadda ugu dambeysa ee ay uga badbaadi lahayd inay ka harto tartankan oo ay gaari wayso final-ka, kulanka lugta labaad ee ay kooxda Southampton ku soo dhowaynayaan garoonka Anfield.
SAWIRRO:
Gool FM.