RASMI: Inter Milan oo ku dhawaaqday saxiixa laacibka soo baxaya ee Roberto Gagliardini… + SAWIRRO

 (Milano) 11 Janaayo 2017 – Kooxda kubadda cagta Inter Milan ee dalka Talyaaniga ayaa ku dhawaaqday saxiixa laacibka khadka dhexe ee Atalanta Roberto Gagliardini, kaasoo ay ku qaateen heshiis amaah ah oo ku eg ilaa dhammaadka xilli ciyaareedkan.

Kooxda Inter Milan ayaa laacibkan si rasmi ah ugula wareegi karta adduun dhan 25 Milyan oo Euro.

Roberto Gagliardini ayaa 65 kulan ka soo muuqday kooxda uu hadda ka soo wareegay ee Atalanta, halka xilli ciyaareedkan uu u ciyaaray 14 kulan oo Serie A ah.

Milkiilayaasha reer China ee maamula kooxda Inter Milan ayaa xiddigan ka dhigtay bilowga xiddigo kale oo muhiim ah oo ay doonayaan inay la soo saxiixdaan.

Wiilkan oo weli 22 sano jir uun ah ayaa ka mid ah xayn laacibiin Talyaani ah oo soo baxaysa.

SAWIRRO:

c159dzxwiaifdrb

c159syfwqaa2law

c159tltw8auarxr

c159unexaaebfpa

c159vgawqaemmsp

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close