Morgan Schneiderlin oo qarka u saaran inuu ku biiro….

sn

(Manchester) 11 Jan 2017. Tababaraha Man United Jose Mourinho ayaa ugu dambeyn xaqiijiyay in xiddigiisa qadka dhexe ee Morgan Schneiderlin uu qarka u saaran yahay inuu ku biiro kooxda Everton.

27-jirka ayaa lagu wadaa inuu u dhaqaaqo kooxda lagu naaneyso Toffees kaddib markii ay labada koox gaareen heshiis hordhac ah oo 22-milyan oo bound kaa oo sare u sii kici kara ilaa 24-milyan oo bound, Mourinho ayaa qiray in xiddiga reer France uu wadada hayo.

Mourinho: Schneiderlin close to Everton switch

“Ma jiraan wax faah-faahin ah,” Mourinho ayaa sidaa u sheegay Sky Sports kaddib markii ay kooxdiisu xalay 2-0 uga adkaatay Hull City lugta hore ee semi-final ka EFL Cup.

“Laakiin kulanka ka hor Mr [Ed] Woodward ayaa igu soo wargaliyay in xaaladu ay dhow dahay. Sidaa darteed waxay u badan tahay inuu aadayo Everton.”.

Schneiderlin ayaa sideed kulan uun ka soo muuqday Man United xilli ciyaareedkan, laakiin 11-daqiiqo oo qura ayuu ciyaaray Premier League.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close