Cabqarigii Roberto Baggio oo mustaqbal kubadeed u saadaaliyay Poalo Dybala & Federico Bernardeschi

(Florence) 11 Jan 2017 – Roberto Baggio ayaa amaanay qawaarka Francesco Totti oo uu sheegay inuu yahay nin isagoo da’ wayn jira misna weli muhim ah, wuxuuna dhanka kale tibaaxay in Paulo Dybala “uu yahay mustaqbalka” isagoo farta ku fiiqay kooxaha Juventus, Roma iyo Napoli.

Laacibka Il Divin Codino ayaa haatan magaalada Florence u jooga arrimo la xiriira iidhehyo waxaana waraysi dhinacyo badan taabanaya la yeelatay wakaaladda wararka ee ANSA.

“Dybala waa mustaqbalka, waxayna ila tahay inuu yahay laacib leh hibo aan caadi ahayn, welibana kasoo rayn kara. Federico Bernardeschi isna waa laacib moowhuub ah, sida cad wuxuu u baahan yahay dulqaad iyo khibrad, balse tayo wuu leeyahay.” ayuu yiri Baggio.

b

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close