Wali wuu jiraa xididkii isku hayey Ronaldo iyo Manchester United

the-best-fifa-football-awards-1

(Manchester) 10 Jan 2017. Haba ahaato sideed sano in ay ka soo  wareegtay markii uu Ronaldo ka tagay Manchester United – laakiin wali wuu nool yahay xididkii isku hayey waxa uuna u muuqdaa mid ka sii xoog badan siidii uu ahaa.

Laacibka reer Portugal waxa uu xalay ku soo afmeeray sanad ku weynaa, 2016, jaa’isada FIFA Player of the year.

Ronaldo waxa uu abaalmarintaas ku garaacay Lionel Messi iyo Antoine Griezmann.

Kooxdiisii hore, Manchester Uited waxa ay noqdeen kuwii ugu horreeyey oo u soo hambalyeeya.

“Dheel wacan, Cristiano!” ayey ku soo qoreen Twitter-kooda rasmiga ah.

the-best-fifa-football-awards

 

 

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close