Taaladii Lionel Messi oo hilfaha loo qaaday…(Lugo bis ayaa laga soo reebay!!!)

lio

(Argentina) 10 Jan 2017. Cristiano Ronaldo ayaa xalay dhigiisa Lionel Messi ku garaacay abaal marinta laacibka ugu fiican adduunka ee FIFA iyadoo goor sii horreysayna uu ku garaacay Ballon d’Or.

Messi ayaa waxaa intaa uga sii daran in la ja-jabiyay taaladii looga taagay Buenos Aires ee dalkiisa Argentina iyadoo laga soo reebay oo kaliya lugaha iyo kubbada.

Lama garanayo ilaa iyo hadda dadkii sidaa wax u kharibay.

Messi statue cut in half as vandals destroy tribute to Barcelona superstar

Taaladan ayaa si rasmi ah daaha looga rogay bishii Jun e ee 2016 iyadoo laga taagay Buenos Aires, maalmo yar uun kaddib markii uu Messi ku dhawaaqay inuu isaga fariistay ciyaaraha caalamiga ah.

Xiddiga Barcelona oo niyad jab daran ka soo qaaday koobkii adduunka iyo labadii Final ee is xigtay ee Copa America ayaa go’aansaday inuu isaga fariisto ciyaaraha caalamaiga ah balse waxaa markii dambe lagu qanciyay inuu dib ugu soo laabto xulka.

Yeelkeee, taaladii loo taagay markaa ayaa iminka hilfaha loo laabay oo waxaa laga soo reebay oo kaliya lugaha iyo kubbada.

This was how the statue once used to look, when it was unveiled in June 2016

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close