RASMI: Stevan Jovetic oo amaah ugu biiray kooxda Sevilla

(Sevilla) 10 Jan 2017 Kooxda Sevilla ee dalka Spain ayaa goor dhaw shaacisay inay amaah ku soo qaateen weerar yahankii Inter Milan ee Stevan Jovetic.

Laacibkaan reer Montenegro ayaa amaah kula joogi doona kooxda Sevilla 6-da bil ee ka harsan xiliciyaareed kan, wararka ayaana intaa ku daraya in kooxda reer Spain ay fursad u haysato inay lawada wareegto hadii uu la qabsado kooxda.

Sevilla ayaa shaacisay inay dhamaystireen saxiixa weerar yahankii hore ee Manchester City, wuxuuna u xiran doonaa kooxdiisa lambarka 16.

Kooxda reer Spain ayaa dhamaadka xiliciyaareedka kula wareegi karta Stevan Jovetic aduun dhan 14 milyan oo euro.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close