Luis Enrique oo ku taageeray ciyaartoydiisa go’aankii ay uga maqnaadeen xafladii FIFA

إنريكي يُدافع عن مُقاطعة نجوم برشلونة لحفل الفيفا

(Barcelona) 10 Jan 2017 Tababaraha kooxda Barcelona ee Luis Enrique ayaa ku taageeray ciyaartoyda kooxdiisa go’aankii ay uga baaqdeen xafladii FIFA.

Ciyaartoyda kooxda Barcelona ayaa go’aansaday inay ka baaqdaan xaflada abaal marinada ee xiriirka kubadda cagta aduunak ee FIFA madaama ay kulan adag la ciyaari doonaan Athletic Bilbao.

Luis Enrique ayaa difaacay go’aanka ciyaartoydiisa, wuxuuna sheegay inuu 100% ku taageerayo maadama qof walba uu xor u yahay ra’yigiisa gaarka ah.

“Go’aanka ciyaaryahanku uu ku xaadiri karo xaflad uu abaal marin ugu guulaystay waa mid isaga u gaar ah, maadama aan ahay tababare, taageere ayaan lagarab istaagayaa ciyaartoydeeda xaalad walba” ayuu yiri Luis Enrique.

“Arinka la xiriira inay ka maqnaadeen xafladii FIFA si ay isugu diyaariyaan kulanka Athletic Bilbao waa mid 100% aan ku taageerayo, gaar ahaan iyada oo uu nasugayo kulan wayn”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close