KHABAR DARAY AH: Inter Milan oo iibsatey laacibka soo baxaya ee Roberto Gagliardini

(Milano) 10 Jan 2017 – Wakiilka Roberto Gagliardini ayaa xaqiijiyay in lagu heshiiyay laacibka khadka dhexe ee Atalanta isagoo leh: “Inter waxay iibsatey mustaqbalka kubadda cagta Talyaaniga.”

Laacibkan caalamiga ah ee reer Talyaani ayaa lagu wadaa inuu berri caafimaadka ku maro magaalada Milano, iyadoo wakiilkiisa Beppe Riso lagu arkay xarunta dhexe ee Inter fiidkan isla markaana la waydiiyay inuu heshiis dhacay.

“Aannu caafimaadka sugno, balse asaasiyan…Inter waxay iibsatey mustaqbalka kubadda Talyaaniga.” ayuu ku war celiyay.

Wiilkan oo weli 22 years jir uun ah ayaa ka mid ah xayn laacibiin Talyaani ah oo soo baxaysa, waxaana lagu qaadanayaa 2 milyan oo euro oo amaah ah iyadpp heshiiska rigli looga dhigi doono 20 milyan oo euro.

Waxaa sidoo kale jiri doonta lacag dheeraad ah oo bandhiggiisa ku xiran oo ay Sky Sport Italia iyo Mediaset Premium ku sheegeen inay dhan tahay €6m, halka laacibka lagu wado inuu qalinka ku aaso heshiis uu sanadkii ku qaadanayo €2m oo euro.

b

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close