Inter Milan oo xagaaga doonaysa Kostas Manolas

(Milano) 10 Jan 2017 – Warar haatan soo baxaya ayaa sheegaya in kooxda Inter Milan ay suuq xagaaga soo aaddan ay doonayso daafaca Roma ee Kostas Manolas.

Dambeedkan dhexe ee reer Greek ayaa horay loola xiriirinayay kooxaha Chelsea iyo Manchester United, balse Giallorossi ayaa diiddey inay iibiso xagaagii hore ee 2016, iyadoo ay sababtu ahayd shuruud ku xirnayd heshiiskii uu uga yimi kooxda Olympiakos.

Waxay shuruuddaasi u dhignayd in haddii ay Manolas iibin lahaayeen ka hor Sebtember 1, 2016; in lacagta lagu iibiyo kala bar ay qaadan lahayd naadigii hore ee laacibka ee Olympiakos.

Shuruuddaasi haatan waa dhacday, yeelkeede, Sky ayaa haatan werinaya in Inter Milan ay laacibkan 25-jirka ah ka dhigatay bartilmaameedkeeda 1-aad si uu ugu bedelo Miranda.

Manolas ayay Nerazzurri u door bidaysaa waaragnimada Serie A oo uu hodan ka yahay, iyadoo uu SKY rumaysan yahay inuu wada xaajood hor dhac ihi uu durba bilowday.

b

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close